4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil oo uu qeyb ka ahaa Ugaaska Beesha ka dhalatay Ikraan Tahliil.

Raysal wasaare Rooble ayaa ehelada Ikraan la wadaagay dareen ahaan sida uu ugu xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda ee ahaa in NISA ay sheegtay in Ikraan ay shabaab dileen, islamarkaana shabaab iska fogeysay dilka Ikraan.

Raysal wasaaraha ayaa u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, isagoona ugu baaqay ehelada Ikraan in si deg deg ah lagu sii daayo dadka aan waxba galabsan ee u xiran kiiska Ikraan.

Kulanka Rooble iyo qoyska Ikraan Tahliil ayaa imaanaya 24 saac kadib markii uu Rooble si cad u sheegay inuusan ku qancin warbixin NISA ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, islamarkaana uu ka dalbaday in 48 saac gudahood NISA ay soo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo lagu qanci karo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]