4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo heshiis rasmi ah ka gaaray arrimaha doorashada
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee Somaliland oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi iyo raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray arrimaha doorashada.

Heshiiskaan  oo ka koobnaa afar qodob ayaa lagusoo afjaray khilaafkii in muddo ka dhex taagnaa labada dhinac, kaasoo saameyn ku yeeshay hirgalinta doorashada kuraasta aqalka sare ee gobolada waqooyi.

Guddoomiyaha maxkamada sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa heshiiskaan garwadeen ka ahaa, waxaana la isku raacay in dib loo mideeyo guddigii doorashada, si degdeg ahna doorashada loo bilaabo.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed, ayaa goobta heshiiska ka sheegay inuu ku faraxsan yahay in dooddii taagnayd ay soo afjaraan isaga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online