3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Guddiga Doorashooyinka heer Fedaraal oo soo saaray Jadwal cusub oo la xiriira doorashooyinka dalka
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa soo saaray jadwal cusub oo la xariira doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xubnaha ka haray Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada Aqalka sare loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo 18-ka bishan Septembar, islamarkaana 25-bishan laguda galayo diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Waxay guddiga sheegeen in 1-da bisha October ay bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, islamarkaana lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November ee sanadkan.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen jadwal doorasho, kaas oo aan dhaqan gelin, waxaana weli jira caqabadihii dib u dhigay doorashooyinka dalka, kuwaas oo xal ka gaaristiisa ay ku howlan tahay Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Raysal wasaare Rooble.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/5/2021 8:03 PM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

9/5/2021 3:15 PM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil oo uu qeyb ka ahaa Ugaaska Beesha ka dhalatay Ikraan Tahliil.

9/5/2021 1:18 PM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka soo jawaabay soo jeedintii Ra’iisul wasaaraha ee la xiriirtay in Hay’adda ay warbixin faahfaahsan ka keento dilka sarkaalka ka tirsaneyd hay’adda,Ikran Tahliil.

9/5/2021 10:02 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Hay'ada Al-huda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eediihii macalin Baashe Aadan Haybe, ee ahaa in hay'ada oo uu la shaqaynayay mudo 15 sano ahi, ay u maleegtay shirqool dil ah, si aanu u helin xaquuq uu ku yeeshay mudadii uu la shaqaynayay oo uu doonayay in la siiyo.

9/5/2021 8:11 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

9/5/2021 7:08 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee guddigaas, kadib doorasho ka dhacay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

9/5/2021 6:47 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee Somaliland oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi iyo raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray arrimaha doorashada.

9/5/2021 2:30 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ayaa xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

9/5/2021 1:55 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabele ayaa warqad codsi ah u diray Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullahi Xuseen inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

9/5/2021 1:27 AM EST
Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Safiirkii hore ee Estonia ee UK Tiina Intelmann ayaa loosoo magacaabay in ay hoggaamiso safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya.