4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 30, 2021
Afar Dhalinyaro ah oo magaalada Jowhar loogu xiray magaca Hiiraan State
 

Khamiis, September, 30, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya halkaasi lagu xirxiray afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Ciidamada Booliiska Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa la sheegay in mid ka mid ah dhalinyarada oo xirna funaanad ay ku qorneyd magaca Hiiraan State, saas darteed loo xiray, iyadoo sadaxda dhalinyarada kalana ay sheegeen iney la ogaayeen.

Ehalada dhalinyarada la xirxiray ayaa Warbaahinta u sheegay in ilmahooda habeenkii xalay ahaa si gardaro ah ugu hoydeen Saldhiga degmada Jowhar.

Magaca Hiiraan State ayaa wadna qabad ku ah maamulka Hirshabeelle oo aanan laga jecleyn gobolka Hiiraan, waxaana tan iyo markii la doortay madaxweynaha Hirshabeelle oo muddo 11 bilood ah kasoo wareegatay laga diidan yahay inuu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hirshabeelle ayaa mudada ay jirto waxay wajaheysay kacdoono sababay gacan ka hadal dagaal iyo banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo jiritaankeeda, taasoo keentay in Hirshabeelle horusocod ka yeelan weyso dhanka gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]