3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Al-shabaab oo si cad isaga fogeeysay iney dileen Ikraan Tahliil Faarax
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa si cad u shaaciyay ineysan wax lug ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay Xalay hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed sheegtay iney Al-shabaab dileen Ikraan Tahliil oo mudo laba bilood ah lagu weysanaa nolol iyo geeri horayna uga tirsaneyd hay'adda NISA.

Al-shabaab ayaa warkan ku shaacisay baraha ay ku leeyihiin Internetka, waxayna sheegeen ineysan wax shaqo ah ku laheyn afduub iyo dil la sheegay iney u geysteen Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsanaan jirtay NISA oo muddo laba bilood ah la weysanaa.

"Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay'adda sirdoonka ashahaadda ladirirka ah oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto" ayaa lagu yiri qoraalka Al-shabaab ay ku shaaciyeen barahooda Internet-ka.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in hay'adda NISA ay tahay hay'ad u shaqeysa gaalada oo markii horeba lagu dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed, haatana ay iyagii dhexdooda is beegsanayaan.

"Kama dammbeynmo waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay'adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay" ayaa lagu yiri qoraalka Shabaab ku shaaciyeen barahooda Internet-ka.

Hadalkan kasoo yeeray Shabaab ayaa imaanaya xili hay'adda Nabadsuguda Qaranka Soomaaliyeed Xalay ay shaacisay in Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Al-shabaab islamarkaana ay dileen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/3/2021 4:46 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in caawa halkaas uu ka dhacay weerar Bombaano oo lagu weeraray guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

9/3/2021 1:28 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Raysal wasaaraha Xukuumadda Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado sadax talaabo oo la xiriirta kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax.

9/3/2021 1:15 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Amb Baashe Cawil X. Cumar oo aha wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya, oo shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Somaliland, ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii wasiir ku xigeen-nimo iyo kii wakiilka Somaliland ee Kenya.

9/3/2021 8:15 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Dableeydaan hubeysan ayaa goordhaw xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne waxay ka afduubteen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Xaaji Cumar.

9/3/2021 7:55 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay wasiirru-dowlaha arrimaha dibada Itoobiya Ridwan Xuseen, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhada ganacsiga , isticmaalka Dekedda Berbra ee Itoobiya iyo in la fuliyo heshiisyo labada dhinac horey u galeen.

9/3/2021 6:59 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi aroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

9/3/2021 6:31 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL)- Xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ku andacooday in isku shaandhayntii uu maalintii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku sameeyay golaha wasiirada ay Somaliland ka dhigtay qoys.

9/3/2021 6:19 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Farshaxanku waa hibo Ilaahay qofka uu doono uu siiyo, iyadoo dadka farshaxanka ka shaqeeya ay yihiin intooda badan dad farshaxankooda ku muujiya xaaladda markaas taagan, iyagoo dhinaca kale ka qayb qaata wacyigalinta bulshada ee dhanka wanaagga.

9/3/2021 1:40 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanka Buurane ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

9/3/2021 1:29 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga falceliyay hadalka kasoo yeeray hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee ahaa in Ikraan Tahliil ay dileen Al-sbabaab.

9/3/2021 1:16 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Iyadoo Xalay ay shaacisay hay'adda Nabadsugidda Qaran Soomaaliyeed iney shabaab dileen Ikraan Tahliil Faarax oo mudo laba bilood ah warkeeda lagu waysana nolol iyo geeri.