3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay isku shaandhaynta madaxweyne Biixi
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL)- Xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ku andacooday in isku shaandhayntii uu maalintii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku sameeyay golaha wasiirada ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Xogeeyaha oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha Somali Cable, ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in uu badanka xilalka waawayn ee xukuumadiisa ku taxay masuuliyiin kasoo jeeda beeshiisa.

"Waxan u arkaa isku shaandhaynta uu madaxweynuhu shalay sameeyay qarankii Somaliland oo qoys isku badalay, dhamaan wasaaradihii halbowlayaasha qarankan u ahaa reer baa wada qaatay, beesha dhexe ee uu madaxweynuhu kasoo jeedo ayuu si badheedh ah u siiyay," ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xogeeyaha ayaa sheegay in marka laga qiyaas qaato habka ay u dhisantahay xukuumada madaxweyne Biixi, iyo sida madaxweynuhu golihiisa wasiirada iyo xilalka kale ee hay'adaha ugu qaybiyay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ay foolxumo iyo caddaalad daro ka muuqato.

"Xukuumada Kulmiye siday u dhisantahay markaynu eegno foolxumo intee leeg ayaa ku gadaaman maanta, intayse maanta caalamka wax ka keeni kartaa, qaabkee wax loo iibin karaa, Somaliland waxay ku gadmaysa caddaalad, in khayraadka loo sinaado, gobolo ahaan iyo degmo ahaanba" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isku shaandhayntii ugu balaadhnayd  ku sameeyay golihiisa wasiirada tan iyo markii uu xilka lawareegay sanadkii 2017.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/3/2021 4:46 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in caawa halkaas uu ka dhacay weerar Bombaano oo lagu weeraray guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

9/3/2021 1:28 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Raysal wasaaraha Xukuumadda Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado sadax talaabo oo la xiriirta kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax.

9/3/2021 1:15 PM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Amb Baashe Cawil X. Cumar oo aha wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya, oo shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Somaliland, ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii wasiir ku xigeen-nimo iyo kii wakiilka Somaliland ee Kenya.

9/3/2021 8:15 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Dableeydaan hubeysan ayaa goordhaw xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne waxay ka afduubteen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Xaaji Cumar.

9/3/2021 7:55 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay wasiirru-dowlaha arrimaha dibada Itoobiya Ridwan Xuseen, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhada ganacsiga , isticmaalka Dekedda Berbra ee Itoobiya iyo in la fuliyo heshiisyo labada dhinac horey u galeen.

9/3/2021 7:24 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa si cad u shaaciyay ineysan wax lug ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay Xalay hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed sheegtay iney Al-shabaab dileen Ikraan Tahliil oo mudo laba bilood ah lagu weysanaa nolol iyo geeri horayna uga tirsaneyd hay'adda NISA.

9/3/2021 6:59 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi aroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

9/3/2021 6:19 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Farshaxanku waa hibo Ilaahay qofka uu doono uu siiyo, iyadoo dadka farshaxanka ka shaqeeya ay yihiin intooda badan dad farshaxankooda ku muujiya xaaladda markaas taagan, iyagoo dhinaca kale ka qayb qaata wacyigalinta bulshada ee dhanka wanaagga.

9/3/2021 1:40 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanka Buurane ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

9/3/2021 1:29 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga falceliyay hadalka kasoo yeeray hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee ahaa in Ikraan Tahliil ay dileen Al-sbabaab.

9/3/2021 1:16 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Iyadoo Xalay ay shaacisay hay'adda Nabadsugidda Qaran Soomaaliyeed iney shabaab dileen Ikraan Tahliil Faarax oo mudo laba bilood ah warkeeda lagu waysana nolol iyo geeri.