4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Awale Arts "Farshaxanka waxaan iska dareemay anoo yar"
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Farshaxanku waa hibo Ilaahay qofka uu doono uu siiyo, iyadoo dadka farshaxanka ka shaqeeya ay yihiin intooda badan dad farshaxankooda ku muujiya xaaladda markaas taagan, iyagoo dhinaca kale ka qayb qaata wacyigalinta bulshada ee dhanka wanaagga.

Haddaba dhawaan waxaa Hiiraan Online uga warbixiyay waayihiisa farshaxanimo Maxamed Muuse Maydhane oo ku magac dheer Awale Arts, kuna nool magaalada Diridhabe.

Maxamed Muuse Maydhane oo ku magac dheer Awale Arts wuxuu sheegay inuu ilaa yaraantiis uu jeclaa farshaxanka, shaqadana farshaxankana uu bilaabay isagoo aad u yar.

Maxamed Muuse Maydhane waxa kale oo uu sheegay farshanka qaybihiisa kala duwan, isagoo sidoo kale sawiro ku muujiya hadba xaaladda markaa taagan ee aad loo hadal hayo, iyo waliba  sawiro uu ku muujinayo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida.

Dhinaca kale Maxamed sida uu sheegayo ma jirto cid ka caawisa ama ku garab istaagta hawshan farshaxanimada ah, balse waxa uu sheegay in isagu iskii isku dabaro, dadaalkiisana uu maanta halkaa ku gaaray.

Awale Arts muddooyinkii u dambeeyay wuxuu aad ugu soo caan baxay sawirada uu ku muujinayay arrimaha galbeedka Gobolka Sitti ee degaanka Soomaalida, isagoo sameeya sawirada kaartooniska ah ee badanaa warbaahintu u isticmaasho marka ay ka sheekaynayaan xaaladaha ka taagan galbeedka Gobolka Sitti.

Awale Arts wuxuu haatan ku jiraa dadka ugu horeeya dhanka farshaxanka ee ka jira degaanka Soomaalida, farshaxankiisana dad badan soo jiita.



Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]