4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax miino oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanka Buurane ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa lala eegtay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM xili ay kasoo baxeen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Buurane.

Qaraxa kadib waxaa la sheegay in ciidanka Burundi ay rasaas farabadan rideen, inkastoo la sheegay ineysan geysan wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaasi ay fureen ciidanka Burundi.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa miino sida ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internetka, iyagoona sheegay iney ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Burundi oo ku saabsan weerarka qaraxa miino ee lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidankooda ku sugan deegaanka Buurane ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Sh/dhexe ayaa inta badan waxa weeraro toos ah iyo kuwa gaadmo ah ku qaada dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaanadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]