6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaannada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo lasoo gabagabeeyay


Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Doorashada lix kursi oo ah kuraasta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyihii aqalka sare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka dastuurka ee xukuumadda xil gaarsiinta, ayaa dhammaantood kusoo baxay doorashadan, waxayna noqdeen sanataro cusub.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ku guuleysta xubinnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay ee Saciid Cumar Xuseen.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guulaystay kursiga labaad, kadib markii uu ka gulaystay musharraxii kula tartamayay Ibraahim Iidle Saleymaan.
 
Wasiirka Dastuurka ayaa helay 29 cod, halka Ibraahim Iidle     Suleymaan oo ah guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Soomaaliya oo xilkaan kula tartamayay uu helay 12 cod.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo aqoon-yahan Soomaaliyeed ah ayaa ku guuleystay xubinnimada kursiga saddexaad ee Aqalka Sare, ka dib markii uu kursigaas kaga guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Alla-bari.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu helay 25 Cod, halka Prof. Maxamed Maxamuud Allabaria uu helay 21 Cod

Kursiga 4-aad waxaa ku guulaystay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe oo noqday xubin katirsan Aqalka sare, dib markii uu ka guuleystay murashaxii la tartamayay ee Cabdikariin Maxamed Xasan.

Cismaan Dubbe ayaa helay 28 cod, halka Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod.

Layla Axmed Ismaaciil oo kamid ahayd musharraxiinta dumarka ka socday, ayaa ku guuleysatay kursiga shanaad ee Golaha Aqalka Sare, ka dib markii uu u tanaasulay murashaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Cabdi.

Layla waxaa hab gacan taag ah ugu codeeyay ergada dooraneysa murashaxiinta, waxa ayna heshay 39 cod.

Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ku guulaystay kursigii lixaad ee ugu dambeeyay kuraasta maanta lagu tartamayay, wuxuuna kaga guuleystay Saynab Axmed Boqorre oo la tartantay.

Bilaal waxa uu helay 37 cod, halka Saynab ay heshay 8 cod.

Maalinta berrito ah ayaa sidoo kale waxaa dhicidoona doorashada shanta kursi ee harsan.

Dhinaca kale, Ergada doorashada ayaa maanta coddeynayay iyagoo wajiyada u xiran yihiin, waxaana loo sababeeyay  amnigooda, cabsi laga qabo in la beegsado doorashada kadib  sida ku dhacday ergooyinka doorashadii 2017.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/29/2021 4:54 PM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Amiira Shirre oo ah gabadh youtuber ah oo ku nool magaalada Burco, ayaa sheegtay in maxkamadi ku xukuntay 2 sano oo xadhig ah iyo caddad lacageed oo ganaax ah, kadib markii ay muuqaal ka duubtay nin abwaan ah oo gabay ku dhaliilay madaxweynaha Somaliland, isla markaana, abwaankiina sanad iyo dheeraad lagu xukumay.

9/29/2021 2:16 PM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku andacooday in rajo la'aan soo waajahday shacbiga Somaliland, ay sababtay in la yidhaa doorashadii Somaliland ayaa Xamar ka dhacaysa.

9/29/2021 9:51 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray lix ka mid ah Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo maanta lagu doortay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

9/29/2021 7:12 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka dowlad goboleedka Puntland, Cabdulqaadir Cali Xirsi.

9/29/2021 6:22 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, oo saaka uu dhaawac u gaystay Suldan Saleebaan Boqor Cismaan, oo kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa sheegay in suldaanku uu weerar gaadmo ah u gaystay isla markaana, uu meelo kala duwan ka dhaawacay.

9/29/2021 5:24 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uga bilaabatay doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ayaa markale waxaa la doortay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo noqday Senatarkii ugu horeeyay ee Senatarada gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

9/29/2021 5:05 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Galmudug ay la wareegeen barkoontarool oo lagu qaado lacagaha canshuurta ah oo ku taala degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

9/29/2021 4:55 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Suldan Saleebaan Boqor Cismaan oo kamid ah, madax dhaqameedka Somaliland ayaa dhaawac madaxa ah gaadhsiiyay, xildhibaan Nuur Guruuje oo ah Guddoomiyaha Guddida Amniga ee Golaha Wakiilada Somaliland.

9/29/2021 2:30 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo khasaare geystay oo lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo ka dhacay xaduud beenaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

9/29/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada lix ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi.

9/29/2021 1:13 AM EST
Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay goobtiisa ganacsi waxay ku dhex dileen muwaadin Soomaaliyeed iyo gabar u dhalatay dalka Koofur Afrika oo u shaqeyneysay.