4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Suldaan dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Suldan Saleebaan Boqor Cismaan oo kamid ah, madax dhaqameedka Somaliland ayaa dhaawac madaxa ah gaadhsiiyay, xildhibaan Nuur Guruuje oo ah Guddoomiyaha Guddida Amniga ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Guruuje iyo Suldaan Saleebaan ayaa maal mihii lasoo dhaafay warbaahinta isku mariyay, hadalo kul kulul oo ay iskugu jawaabayeen isagoo mid koodba midka kale dhaleecayn u jeediyay.

Dagaalka Guruuje iyo Saleebaan ayaa bilaabmay, kadib markii uu suldaanku jeneraal Dollaal ku tilmaamay dambiile qaran, taasi oo uu xildhibaanku kaga jawaabay in aan loo baahnayn in madax dhaqameedka ama dadka shacabka ahi ay ka hadlaan arrimaha ciidamada, isagoo suldaanka ku eedeeyay in uu ka hadlo waxkasta oo aan khusaynin.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee keentay in suldaanku u gacan qaado xildhibaan Guruuje saaka, isla markaana uu gaadhsiiyo dhaawac madaxa ah, marka laga yimaado hadaladaa hore.


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]