4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo lala eegtay ciidamada Kenya
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo khasaare geystay oo lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo ka dhacay xaduud beenaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Shangaani iyo Kambooni oo dhaca xaduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka deegaanadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa miino uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Kenya, islamarkaana uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada Kenya, walow aanan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa qaraxa kadib waxaa la sheegay iney rideen rasaas farabadan, islamarkaana ay howlgalo miino baaris ah ay ka bilaaween agagaarka goobta qaraxa uu ku haleelay.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa soo kordhaayay qaraxyada lala beegsanaayo ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan deegaanada dhaca xaduud beenaadka labada dal iyo waliba gudaha gobolka Waqooyi beri Kenya, waxaana masuuliyada qaraxyadaasi sheegto dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]