4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Hadal jeedinta Musharaxiinta doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo ka socota Muqdisho
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uga bilaawday khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta ku tartami doonta kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo ka kooban 11 kursi.

Hoolka Teendhada Afisyooni ee ka bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta waxaa ku sugan Raysal wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa, guddiga doorashooyinka Aqalka sare ee gobolada Waqooyi iyo ergooyinka wax dooraneysa.

Musharaxiinta khudbadahooda jeediyay waxaa ka mid ah guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyahii hore ee Maxkamada sare Ibraahin Iidle Suleymaan, wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac, iyo wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe.

Waxaa lagu wadaa sida qorshuhu ahaa in isla maanta lasoo gabagabeeyo hadal jeedinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa sheegay in todobaadkaan ay soo geba-gabeyndoonaan doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, islamarkaana kula dardaarmay musharaxiinta iyo guddiga doorashada in si alle ka cabsi ku jirto loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]