4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Guddoomiyihii saddexaad ee xisbiga Waddani oo is casilay
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Kayse Cali Geedi, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbiga, wuxuuna sheegay in uu isku casilay sharci jabin uu guddoomiyaha xisbigu sameeyay awgeed.

Geedi ayaa sheegay in uu iska casilay ilaa 5 xil oo uu sheegay in uu ka hayay xisbiga Waddani, wuxuuna sheegay in iscasilaadiisa ay sababtay kadib markii guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani si sharciga baal marsan loo eryay.

"Aniga oo ah guddoomiyihii saddexaad ee xisbiga Waddani, aniga oo ah ninkii ugu taageerada badnaa xisbiga, waxan halkan idinka ogaysiinayaa sababahan soo socda awgood in aan iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Waddani, hogaankii, guddidii fulinta, golihii dhexe iyo xubin-nimadii xisbiga" ayuu yidhi Geedi.

"Subax baan soo toosay, kadibna, waxa laygu yidhi guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani waala eryay, kadibna, arrintaasi waxay igu noqotay arrin aad u mucjiso ah, oo guddoomiye ku xigeenkii guddoomiyaha ku xigay sidee loo eryay?,.. arrin waxay noqotay mucjiso ah, bacdama inta warqad loo qoray la yidhi waala eryay waxay noqotay arrin mucjiso ah" ayuu hadalkiisa ku daray Geedi.

Geedi ayaa sheegay in ay xilka qaadista  guddoomiye ku xigeenkiii xisbiga Waddani, ay ku noqotay fajiciso, isagoo sheegay in guddoomiyuhu aanu cidna kala tashan, isla markaana uu jabiyay sharcigii xisbiga.

"Abokor Xuseen Meecaad ayaa ninka la yidhaahdaa, sabab alla sabab loo eryay garan maayo, argagax bay nagu noqotay xisbi ahaan, waayo xisbigu wuxuu xisbi ku yahay wada tashi, sharciga oo la ilaaliyo iyo balamihii dadka lala galay, deegaan waliba qaybu xisbiga leeyehee la ilaaliyo" ayuu yidhi Geedi.

Geedi ayaa intaa ku daray xisbiga Waddani uu noqday bilaa hogaan, isla markaana kolba cidii uu guddoomiyuhu jeclaado iskaga soo daro hogaanka xisbiga.

"Xisbigayagu wuxuu noqday xisbi aan lahayn hogaan, guddoomiyaha ayaan subax u imid markaasu igu yidhi hogaankii waxaynu ku darayna 5 nin oo odayaal ah, markasan idhi dee sharcigu muu inoo ogolyahay, mayanee wuu ogolyahay, halkaa markay maraysay, waxa iigu danbaysay isagoo hogaanku maraya 20" ayuu yidhi Geedi.

Xisbiga Waddani ayaa ku caan ah qaab dhismeed ka duwan labada xisbi ee kale, waxaana jira masuuliyiin xisbiga hore uga tagay, oo eedo kuwa Geedi lamid ah u jeediyay xisbiga.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]