4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Al-Shabaab oo sheegtay in ugu yaraan 15 Askari oo Kenyan ah ku dileen weerar ka dhacay Lamu
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo maraayay inta u dhaxeysa Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Lamu.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee weerarka lala beegsaday ay rasaas fureen kadib weerarkii IED.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay ku dileen 15 askari oo Kenyan ah, ayna burburiyeen gaari nooca dagaalka ah.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Alshabaab.

Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa socodkooda sii watay, iyagoo hawlgallo miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta Kayunga iyo Shangani ee Gobolka Lamu.

Ciidamada Kenya ayaa Al-Shabaab kala kulma weeraro iyo qaraxyo toos ah inta ay ku safrayaan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana mararka qaar ay la kulmaan qasaarooyin culus oo ka dhasha weerarada qaraxyada ah ee dhulka lagu aaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online