9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Madaxda ugu sareysa dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliiste Cabdi Muriidi Ajakis
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariiste majaajiliistahii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta Muqdisho ku geeriyooday.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdi Muriidi Ajakis, isagoona alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ugu deeqo.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay geeridii maanta ku timid majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay Isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho.

"Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed" ayaa yiri Raysal wasaare Rooble.

Geerida majaajiliiste Ajakis ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiinta, fanaaniinta, wariyaasha iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/27/2021 1:09 PM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirkii haweenka ee Itoobiya, oo ahayd mas'uulkii dowladdeed ee ugu horreeyey ee qira in kufsi dhacay intii uu socday dagaalkii Tigray, ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqday in ay is casishay.

9/27/2021 10:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda Lt. Genaral Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Uganda oo uu hogaaminaayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna si gooni gooni ah kulamo ula kala qaateen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

9/27/2021 8:55 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidanka Booliska iyo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka dhacay magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

9/27/2021 8:44 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Kayse Cali Geedi, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbiga, wuxuuna sheegay in uu isku casilay sharci jabin uu guddoomiyaha xisbigu sameeyay awgeed.

9/27/2021 7:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo maraayay inta u dhaxeysa Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Lamu.

9/27/2021 4:32 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

9/27/2021 1:28 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay hoos usii socdaan mashaariicda ka socota Puntland, taasoo uu sheegay in ay ugu wacan tahay sida ay madaxda Puntland u dhaqmayaan.

9/27/2021 1:21 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

9/27/2021 1:12 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee Somaliland oo lagu waday iney maanta dhacdo.