3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Majaajiliiste Cabdi Maruudi Dheere Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay maamulka Talefashinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho oo uu marxuumka ka tirsanaan jiray howlwadeenada talefashinka Universal.

Allah u naxariiste Marxuum Ajakis ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisa waxaa kusoo booday xanuun la sheegay inuu ka haleelay dhanka sambabada, kaasoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa jilayaasha dhanka majaajilada kuwa ugu caansan guud ahaan Soomaaliya, waxuuna sidoo kale soo jilay Riwaayado farabadan, waxuuna turjimaad ku sameyn jiray filimada Hindiga ee afsoomaaliga loo badalo oo uu door muhiim ah ka qaadan jiray turjimaadooda.

Madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo siyasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii caanka ahaa allah u naxariiste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/27/2021 1:09 PM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirkii haweenka ee Itoobiya, oo ahayd mas'uulkii dowladdeed ee ugu horreeyey ee qira in kufsi dhacay intii uu socday dagaalkii Tigray, ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqday in ay is casishay.

9/27/2021 10:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda Lt. Genaral Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Uganda oo uu hogaaminaayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna si gooni gooni ah kulamo ula kala qaateen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

9/27/2021 8:55 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidanka Booliska iyo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka dhacay magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

9/27/2021 8:44 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Kayse Cali Geedi, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbiga, wuxuuna sheegay in uu isku casilay sharci jabin uu guddoomiyaha xisbigu sameeyay awgeed.

9/27/2021 7:30 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo maraayay inta u dhaxeysa Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Lamu.

9/27/2021 6:25 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariiste majaajiliistahii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta Muqdisho ku geeriyooday.

9/27/2021 1:28 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay hoos usii socdaan mashaariicda ka socota Puntland, taasoo uu sheegay in ay ugu wacan tahay sida ay madaxda Puntland u dhaqmayaan.

9/27/2021 1:21 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

9/27/2021 1:12 AM EST
Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee Somaliland oo lagu waday iney maanta dhacdo.