4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Madaxda ugu sareysa dalka oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si isku duubni leh ula shaqeeyaan laamaha amaanka dalka, si looga hortago qaraxyada Shabaab ka geystaan gudaha dalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay qaraxii maanta dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogg Raysal wasaare Rooble.

Qaraxaan ay sida gooni goonida ah uga kala tacsiyadeeyeen madaxda ugu sareysa dalka ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta oo ka mid ah wadooyinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 9 ruux oo sideed ka mid ah ahaayeen dad shacab ah, halka midka sagalaadna uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]