3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Kenya oo heegan ugu jirta in ay diiddo go’aanka murunka soohodinta badda ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ)
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa go'aankeeda ku dhawaaqi doonta 12-ka Oktoobar, iyadoo soo afjaraysa dacwad daba-dheeraatay oo u dhaxaysay labada dal ee deriska ah.

Maxkamaddu waxa ay go'aankeeda ku saleyn doontaa iyadoo cuskanaysa xeerarka caalamiga ah, dhammaystirka xuduud badeedka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta Hindiya.

Waqtiga xukunka  ayaa wuxuu ku soo beegmayaa sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda al –Shabaab, waxaa sidoo kale taas loo arkaa “dharbaaxi wejiga looga dhuftay Kenya”.

Wargeyska afka dheer ee The Nation ee kasoo baxa Kenya, ayaa ku waramaya in Kenya aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda, iyo in madaxda ugu sareysa dowladda Kenya ay qaadan doonaan go'aan ay kaga hor imaan doonaan xukunka maxkamadda.

Dowladda Mareykanka ayaa hadda ka hor diidday go’aamo ka soo baxay Maxkamadda sanadihii 1986 iyo 2018. Kenya waxa ay go’aanka Maxakamdda ICJ ee muranka soohodinta badda u arki doontaa mid aanan loo marin “waddo xalaal ah”. Kenya waxa ay ku doodeysaa in aanan la tixgelinin codsiyo badan oo ay u soo gudbisay Maxkamadda, waxaana ka mid ah in garsoorayaasha kiiska laga saaro ninka Soomaaliga ah ee la yiraahdo Axmed Yuusuf.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/25/2021 9:59 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

9/25/2021 7:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

9/25/2021 5:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2021 2:30 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.

9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.