4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Wasiir Jamaal Maxamed: Dhahar waxa ay u baahantahay waa wax-qabad iyo ballanqaad dhab ah


Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan dadweyne oo ka dhacay bartamaha degmada Dhahar , wuxuu ka sheegay in degmada Dhahar iyo deegaannada ku dhow ay u baahanyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada , wuxuu tilmaamay sida ay muhiim ugu tahay bulshada isku-tashi waxqabad iyo midnimo, isagoo markaa sheegay inay ka go’antahay sidii deegaannadan iyo guud ahaan dhulka Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwa sameeya horumar.

“ Marka aan xildhibaanka noqday waan isku nimid waxaan qorey baahiyihiinna ugu muhiimsanaa, intii aan marka isku sheegnay waan fulinay ka badana waan gaarsiinnay.” Ayuu yiri.

“Mashaariic aan deegaankan ka dhagax dhignay oo xarumaha adeegga bulshada u badnaa waan fulinay, hadda kuwa aan dhagax dhignayna waan fulineyna sida ugu dhaqsaha badan.” ayuu ku daray Wasiir Jamaal Maxamed.

Wasiirka ayaa sidoo kale kullamo gaar gaar ah la yeeshay qeybaha bulshada iyo dhaqanka degmada Dhahar oo u ku suganyahay habeenkii labaad, kullamada oo ujeeddadooda lagu sheegay wada-shi iyo warbixinno la xiriira xalaadda deegaan iyo bulsho.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]