3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Wasiirka Qorsheynta Federaalka oo Dhahar ka dhagax dhiggay garoon diyaaradeed
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan  oo ku sugan Dhahar ayaa maanta dhagax dhiggay garoon diyaaradeed oo ay yeelanayso Dhahar, kaa horey sahmin loogu sameeyay.

Wuxuu sidoo kale dhagax dhiggay mashruuc lagu dhammeystirayo  garoon kubadda cagta ah, dib u dhiska xarumo waxbarasho , dhagax dhigga xarunta agoonta iyo machadka shareecada.

Mashaariicdan wuxuu ku sheegay inay noqon doonaan kuwo sida ugu dhaqsaha badan u hirgala, isagoo Bulshada deegaanka ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaallada horumarineed ee Dhahar.

Wasiir Jamaal Maxamed, oo sidoo kale ah Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka oo laga soo doorto degmada Dhahar ayaa inta uu ku suganyahay deegaanka, wuxuu sheegay in mashaariic kale uu dhagax dhiggaya, isagoo sidoo kale kullamo la qaadana waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/24/2021 4:15 PM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan dadweyne oo ka dhacay bartamaha degmada Dhahar , wuxuu ka sheegay in degmada Dhahar iyo deegaannada ku dhow ay u baahanyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

9/24/2021 4:00 PM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Galmudug ayaa sheegtay inay faraha ka laabatay dhexdhexaadinta ay ka dhex waday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble, kadib markii dhex-dhexaadintoodii waxba ka socon waayeen.

9/24/2021 9:49 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

9/24/2021 9:00 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka Qaramada Midoobay, ayaa go’aan ka gaari doonta kiiska xadeynta badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya 12 -ka Oktoobar, saacaddu markay tahay 4 -ta galabnimo xilliga Muqdisho.

9/24/2021 2:32 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi oo ah xildhibaanka lagasoo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in qof maskaxda ka xanuunsan uu ka dambeeyay cabsi shalay laga dareemay suuq kuyaalla xaafadda Islii oo la sheegay in qarax lagu xiray.

9/24/2021 2:09 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wada hadal maalmihi la soo dhaafay laga dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

9/24/2021 1:54 AM EST
Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaysanta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan aqalka hoose Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu guul daaystay qorshe la isku dayay in looga hor istaago deegaan doorashadiisa.