4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Wasiir Jamaal: Koox qowlaysto siyaasadeed ah ayaa isku dayay inay iga hor istaagaan deegaan doorashadayda mana u suurto galin
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaysanta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan aqalka hoose Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu guul daaystay qorshe la isku dayay in looga hor istaago deegaan doorashadiisa.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Dhahar, ayaa arrintaas ku eedeeyay koox qowlasato siyaasadeed oo ku sugan Garowe. Balse wuxuu meesha ka saaray in arrimo qabiil loo fasiro waxa dhacay.

“Waxyaabaha aad maqlaysaan ee dhacaya, wax qabiil ma ahan, wax reereed ma ahan, waa wax shakhsiyaad iyo siyaasiyiin iyo dad qowlaysato ah wataan. Nabadiina ilaashada, deriskiina si nabad ah ula noolaada,’ ayuu yiri wasiir Jamaal.

Jamaal ayaa sheegay in maanta oo jimco uu degmada Dhahar oo ah deegaan doorashadiisa ku qabanayo shir wadashi ah oo uu sheegay in looga arrinsanayo xannibaadii shalay Puntland ku sameysay safarkiisii.

Si kasteba ha ahaatee. Wasiirka qorshaynta ayaa safarkiisa uu ku yimid Puntland wuxuu qeyb ka yahay ololihiisa xildhibaanimo. Wuxuuna kamid yahay siyaasiyiinta ay aadka isku hayaan madaxweyne Deni.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online