4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Wasiir Jamaal: Socdaalka Puntland waa waxqabad, isku-tashi iyo wadatashi


Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dawladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa socdaal toddobaad qaadanaya Khamiista maanta ku gaaray Puntland , isagoo galinkii hore ka deggay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Wasiirka iyo wafdi u hoggaaminayay ayaa muddo kooban oo ay ku sugnaayeen Garoowe, wuxuu gaaray degmada Qardho, iyadoo halkaa uu qado sharaf ugu sameeyay Boqor Burhan Boqor Muuse oo kulan la yeeshay wasiirka.

Wafdiga ayaa intaa  ka dib gaaray degmada Dhahar , halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, maamulka iyo qeybaha Bulshada.

“ Waxaan idin kaga mahadcelin sida halkan aad igu soo dhaweyseen.” ayuu yiri Wasiir Jamaal oo bartamaha Dhahar kula hadlay dadkii soo dhaweeyay.

“ Wax-badan ayaan qorsheynaynay inan isku nimaano duruufo badan oo jiro awgeed, balse maanta marka ay noo suragashay oo aan Garoowe nimid waad maqasheen in qolyo iskudayeen in la joojiyo inan kulankeenu dhicin , Illahay idinkii way dhacday waana isku nimid.”

“ Waxaan  rabaa inan ka wada-hadalno waxbqabad, isku tashi, wadatashi iyo sidaan gacmaha isku qabsan lahayn. Waxaan idin ka codsanayaa waxyaabaha aad maq-maqleysaan ee siyaasadaha dhacaya wax qabiil ma aha wax reereed ma aha , waa wax shaqsiyaad, siyaasiyiin iyo dad qowleysato ah ay wataan, Nabadda ilaashada , Dadka dariska ah si fiican ula noolaada, Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah. “ayuu ku daray Wasiir Jamaal Maxamed oo sidoo kale ah Xildhibaan laga soo doorto degmada Dhahar.

Gabagabada, wasiirka ayaa sheegay maalmaha uu ku suganyahay Dhahar inuu kullamo la qaadanayo dhammaan xubnaha Bulshada ee deegaanka, oo uu  tilmaamay inay ka wadahadli doonaan xaaladda bulsho, deegaan iyo horumarintooda.

Iman Jama, Hiiraan Online