4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Booliiska Kenya ee ku takhsusay qaraxyada oo beeniyay in qaraxyo lagu xiray daar ganacsi oo kutaalla xaafadda Islii
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Xaalad kacsanaan ah ayaa galabta ka jirtay xaafadda Islii, kadib markii xarun ganacsi oo lagu magacaabo yare Taawar oo dhawaan la dhisay looga shakisan yahay in lagu xiray qaraxyo.

Sida uu sheegay taliyaha booliska ee xaafadda Starehe Julius Kiragu, qof aan la aqoonsan ayaa qoraal digniin ah gaarsiiyay dadka dhismaha ku ganacsada.

Isagoo u sheegay in ay si degdeg ah uga baxaan dhismaha oo uu sheegay in ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.

Koox khubaro oo ku takhasustay samaynta bambooyinka ayaa durbadiiba loo diray daarta Yare, kuwaas oo isla markiiba isku gadaamay dhismaha, si ay baaritaan ugu sameeyaan.

khubarada ayaa markii dambe dadka ku wargaliyay in aanay jirin wax qarax ah oo dhismaha ku xiran, Waxaana dib loo soo celiyay isu socodkii gaadiidka iyadoo waddada dib loo furay.

Dadka reer Kenya ayaa xasuusta weeraradii ka dhacay Nairobi ee lala beegsaday xarumaha ganacsiga sida weerarkii Westgate mall, oo dhacay sanadkii 2013 iyo weerarkii Dusit hotel ee 2019.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online