4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Ciidamada Amaanka Magaalada Marka oo amar cusub kusoo rogay gadiidleyda degmadaasi
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada amaanka degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney si KMG ah u joojiyeen gaadiidka isaga kala gooshi jiray magaaloyinka Marka iyo Muqdisho.

Taliyaha Ururka 14-aad ee guutada 14-ka October ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaan iyo tirakoob ku sameyn doonaan gaadiidka dadweynaha ay ka raacaan magaalada Marka ee u safra magaalda Muqdisho ee caasimada dalka.

Majirto waqti rasmi ah oo ay laamaha amniga degmada Marka ay u qabteen dib u fasixida gaadiidka ka shaqeysta magaalooyinka Marka iyo Muqdisho, waxaana gaadiidleyda lagu wargeliyay kaliya in la joojiyay ka bixitaanka degmada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Amarkan cusub ee laamaha amniga magaalada Marka ay kusoo rogeen gaadiidleyda magaaladaasi ayaa imaanaya xili Shalay Qarax miino uu ka dhex dhacay Garaash lagu sameeyo gaadiidka oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee degmada Marka, kaasoo la sheegay iney la qaraxday ninkii diyaarinaayay qaraxaasi oo sida la sheegay horay ciidamada amniga marka u xireen, markii dambana lasii daayay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]