4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Kenya iyo Qatar oo wadahadal uga socdo Doxa xilli uu soo dhow yahay go’aanka maxkamadda ICJ ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Arbacadii shalay magaalada Doxa ee dalka Qatar u diray, Xoghihiisa Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang'i, si uu farriin u gaarsiiyo amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Socdaalka xoghayaha golaha wasiiradda Kenya ayaa kusoo aaday, iyadoo 12 ka bisha Octobar maxkamadda ICJ ay shaacin doonto xukunka dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warbaahinta Kenya waxay qorayaan in socdaalka  Fred Okengo Matiang'i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qadar ay kala saxiixan doonaan heshiis amni.

Tan iyo sannadkii 2020, Doxa ayaa si dhow ugu lug lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo kaalin ka qaadatay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiisiiso si ay usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee xumaaaday 2020.

Qatar ayaa sidoo kale horey isugu dayday inay heshiis ku saabsan muranka badda dhex dhigto labada dal. Laakiin marna ma noqon mid hirgala.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qatar ay dan weyn ka leedahay shirkadda weyn ee Saliidda Talyaaniga ee Eni oo sahamin ka wadday qaar ka mid ah baloogyada ku yaal dhulka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online