4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku wada yeeshay aalada fogaan arraga
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Madaxda golaha wadatashiga qaran ayaa kulan ku yeeshay aalada fogaan arraga Zoomka, waxaana kulanka shir guddoominaayay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulankan madaxda ku wada yeesheen qadka Internetka ayaa waxa ay kaga wadahadleen dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed iyada oo la tixraacayo jadwalkii doorashooyinka ee lasoo saaray.

Waxaa qeyb ka ahaa kulanka madaxda wadatashiga qaran guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Fedaraal kaasoo warbixin kasiiyay madaxda halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka.

Wararka laga helayo kulankan Xalay golaha wadatashiga qaran ku dhexmaray fogaan arraga Zoom-ka ayaa sheegaya in golaha la sheegay iney ku balameen iney isugu yimaadaan kulan fool ka fool ah walow aanan warbaahinta lala wadaagin waqtiga loo balamay kulankaasi iyo meesha uu ka dhacayo.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay wada yeeshaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Raysal wasaare Rooble tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]