4/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Wasiir Xaniifa Xaabsade oo sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu amray ciidan weeraray guriga Hooyadeed
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xukumaadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa ay ku ekaan waysay labadood oo uu u gudbay dhanka qoyskeeda.

Wasiir Xaniifa Xaabsade ayaa sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed ciidanka nabadsugida uu u adeegsaday iney soo xiraan hooyadeed, islamarkaana laba Cabdile ay la tageen guriga hooyadeed si ay usoo xiraan habaryarteedna qori madaxa laga saaray oo loogu hanjabay dil.

"Waxaan kaxumahay kaladuwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest  in ay kasocdaan  tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay. Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo  wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan koonfurgalbeed ku xareeraysan" qoraalkaas ayay barteeda Facebook kusoo qortay wasiir Xaniifa.

Gabagabadii hadalkaan kasoo yeeray wasiirka haweenka ayaa waxaa beeniyay Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay walaalo yihiin wasiir Xaniifa, walow la sheegay ineysan isku hooyo aheyn, waxuuna qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay ineysan jirin cid weerartay hoyga reer Xaabsade.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/15/2021 3:16 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

9/15/2021 12:50 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

9/15/2021 9:36 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

9/15/2021 9:18 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/15/2021 8:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

9/15/2021 8:21 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

9/15/2021 7:41 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/15/2021 2:33 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

9/15/2021 1:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu xalay isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

9/15/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.