4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Sareeye Guud Bashiir goobe oo magacaabay taliyaha hay'adda NISA ee gobolka Banaadir
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliyaha NISA, taliyaha cusub ayaa la faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu ka guto mid walba waajibaadkiisa.

Waa qoraalkii ugu horreeyay ee kasoo baxa taliye Bashiir Goobe tan iyo markii loo magacaabay xilkiisa weli lagu muransan yahay.

Taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir waxaa horay u ahaa Yaasiin Faray oo dhawaan madaxweyne Farmaajo uu si kumeel gaar ah ugu magacaabay taliyaha hay’adda NISA oo ah booska uu hadda joogo Bashiir Goobe.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online