12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Cabdiwali Gaas oo si adag uga hadlay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo Iyo Rooble
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax..

Cabdiwali Gaas oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay iney nasiib darro weyn tahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo uu sheegay iney iskala baxeen xeyndaabkii dowladnimada Soomaaliya.
 
Waxuu intaasi ku daray in is qabqabsiga xiligaan aanan loo baahneen, maadama uu horseedayo dhibaatooyin la xariira howl maalmeedka dowladnimada iyo shaqooyinka horyaala dowladda sida doorashooyinka uu dalka u jiheystay iney qabsoonto.

"Khilaafka sababay is qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waxa haboon in loo daayo Hay’addaha Shaqadoodu tahay ee Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida, balse waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u wajahayo arinta” ayuu yiri Raysal wasaraahii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in qoraalada ay iskugu jawaabayaan Farmaajo iyo Rooble ay u horseedi karto labadoodaba dhibaato siyaasadeed oo dhanka mustaqbalkooda ah, islamar ahaantaana waxii dhibaato oo dalka ka dhaca ay labadooda masuul ka yihiiin.

Hadalkan kasoo yeeray Cabdiwali gaas ayaa imaanaya xili wali aanan xal waare laga gaarin khilaaf noocii ugu darnaa oo ka dhex jiraya Farmaajo iyo Rooble, kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ilaa hadda shacabka Soomaaliyeed xata ku jahwareersan yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/15/2021 3:16 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

9/15/2021 2:02 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xukumaadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa ay ku ekaan waysay labadood oo uu u gudbay dhanka qoyskeeda.

9/15/2021 12:50 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

9/15/2021 9:36 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

9/15/2021 9:18 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/15/2021 8:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

9/15/2021 8:21 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

9/15/2021 2:33 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

9/15/2021 1:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu xalay isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

9/15/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.