4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyay khilaafka madaxweyne Farmajao iyo Raysal Wasaare Rooble
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay aad uga xunyihiin isafgarad la’aanta madaxda dalka ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dawladadeed ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya waxay sheegeen khilaafka madaxda inuu niyad jab weyn ku yahay Dadka Soomaaliyeed oo filayay in ay dalka ka dhacdo doorasho nabad ah oo isbedel leh.

War-saxaafadeed ay soo saareen waxay soo jeediyeen in aan kiiska Ikraan Tahliil la siyaasadayn, loona madax bannaaneeyo maxkamadda gacanta ku haysa kiiskan.

Bulshada rayidka waxay qoraalkooda ku sheegeen inuusan istaagin wada hadalada madaxda, si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee la xiriira awooddaha sharciga.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online