3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo is taagay
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lagtareen oo kamid ahaa dhexdhexaadiyaasha ku howlanaa xallinta khilaafka madaxda sare ee dalka, ayaa dib ugu laabtay Koonfur galbeed.

Waxay u muuqataa in madaxdu ka tanaasuli waayeen qaar kamid ah qodobadii la isku qabtay, iyadoo habeen hore lagu kala dareeray kulankii ugu horeeyay ee fool ka fool ahaa.

Hase yeeshee, qaar kamid ah guddiyada dhex dhexaadiyaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugusoo laaban doono, wada hadalkuna ku dhamaan doono meel wanaagsan.

Raysal  wasaare Rooble oo shalay la hadlayay beesha caalamka ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan uu dalka ku jiro.

Rooble wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay la tashiyo, si khilaafka jira lagu xalliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/13/2021 2:56 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 oo xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee caasha badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

9/13/2021 12:46 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/13/2021 10:32 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

9/13/2021 8:16 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

9/13/2021 7:42 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

9/13/2021 2:25 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

9/13/2021 1:57 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.

9/13/2021 1:38 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.