4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in la dadejiyo doorashada Aqalka sare ee Somaliland
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

Waxaa kulanka sidoo kale qeyb ka ahaa guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo guddoomiyaha maxakamada sare ee dalka.

Raysal wasaare Rooble ayaa ka dalbaday guddiga in si deg deg ah loo bilaabo doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi, maadama ay soo idlaadeen khilaafkii ka dhex taagna labada garab ee siyaasiyiinta Somaliland.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la qabto doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi todobaadkan gudahiisa, maadama waqtigii loogu talo galay qabashada doorashada aqalka sare ay ka harsan tahay 5 maalin, taasoo ku beegan 18-ka bishan.

Dhawaan ayay ahayd markii ay shaaciyeen heshiis wada jir ah oo ay wada gaareen  guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka, kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii adkaa ee ka dhex taagna labada dhinac ee ka dhashay arrimaha doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]