12/6/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Ku xigeenka Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka warbixisay kulamadii ay la yeelatay madaxda dalka
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.

War qoraal ah oo ay ka soo saartay kulankii ay la qaadatay Rooble iyo madaxda wadatashiga qaran ayay ku sheegtay in masuuliyiinta ay u muujiyeen hogaamin wanaagsan iyo iney ka go'antay sidii loo hormarin lahaa doorka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasada ku jira iyo dhimista lacagta laga qaadayo haweenka Musharaxiinta ka midka ah.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” ayay tiri ku xigeenka xogayaha guud ee QM Amina Jane

Waxay sido kale ka hadashay Amina Jane arrinta Ikraan Tahliil oo sheegtay in muhiim ay tahay in Ikraan hesho Cadaalad si looga hortago wax kasta oo xadgudub ku ah xaquuqda haweenka oo dhan.

“Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soomaaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaadaan talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kalsoonideeda”ayay tiri Amina Jane Mohamed ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Safarka Muqdisho ay ku timid ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili khilaaf aad u xoogan uu ka dhaxeeyo madaxda ugu sareysa dalka Farmaajo iyo Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/13/2021 2:56 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 oo xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee caasha badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

9/13/2021 12:46 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/13/2021 10:32 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

9/13/2021 8:16 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

9/13/2021 7:42 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

9/13/2021 7:36 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

9/13/2021 2:25 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

9/13/2021 1:38 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.