3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Wasiir Toorno "Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68"
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsantahay, kala badh dalalka Afrika, dhamaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga.

"Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay ururka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah" ayuu yidhi wasiir Toorno.

Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin meesha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, hadana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuquraadiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant.

Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afrika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/13/2021 2:56 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 oo xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee caasha badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

9/13/2021 12:46 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/13/2021 10:32 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

9/13/2021 8:16 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

9/13/2021 7:42 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

9/13/2021 7:36 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

9/13/2021 2:25 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

9/13/2021 1:57 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.