4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo sheegay in aysan wax gorgortan ah ka galidoonin kiiska gabadhooda
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha dhalay Ikraan Tahliil Faarax, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dilka gabadhiisa loo saariyo kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in gabadhiisa ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Dr. Tahliil ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu hortaagan yahay sidii ay qoyskooda ku heli lahaayeen caddaalad islamarkaana uu difaacayo madaxda NISA ee ku eedaysan in lug ku leeyihiin kiiska gabadhiisa.

“Waxaa run ahaantii la yaab leh in madaxweynihii dalka oo muddo labo bilood iyo ka badan ka aamusnaa maqnaashaha gabadhayda, dhegahana ka furaystay oohinta Ikraan hooyadeed, qoyskeeda iyo qeylo dhaanta bulshada ka imaanaysay, uu ficilkii ugu horreeyay uu qaaday uu noqday hor istaaga caddaalad u raadinta Ikraan,”ayuu yiri Aabbe Tahliil Faarax.

Aabbe Tahliil ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inuusan marnaba isku dayin inuu hor istaago caddaalada gabadhiisa, wuxuuna ugu baaqay inuu guto masuuliyadda qaran ee ka saaran kiiska gabadhiisa.

Wuxuu si cad u sheegay in aysan marnaba qoyska reer Tahliil wax gorgortan ah ka galidoonin caddaalad u helista gabadhooda ayna ku qanci karaan oo kaliya in gabadhooda nolol iyo geeri meel loogu sheego.

“Waxaan halkaan ka caddaynaynaa Aniga iyo hooyada gabadha Qaali Maxamuud, in aanan diyaar u ahayn in kiiska Ikraan lagu dhameeyo xeer Soomaali iyo wada hadal. Diyaar uma nihin in aan qaadano Di’yo, xataa haddii ay bilyanis tahay. Waxaan rabnaa in loo ciqaabo shakhsiyaadka ay ku caddaato in ay lug ku leeyihiin kiiska gabadheenna kraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Qoyska Ikraan Tahliil ayaa dhawaan dacwad ka gudbiyay taliyihii nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii Kulane Jiis iyo taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir, Yaasiin Faray, waxayna ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin afduubka loo geystay Ikraan.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online