4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Wararkii ugu dambeeyay dadaalo lagu heshiisiinaayo Rooble iyo Farmaajo oo ay Muqdisho ka wadaan Qoorqoor iyo Laftagareen
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya iney socdaan kulamo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa la sheegaya iney wadaan kulamada la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Saacadahii lasoo dhaafay ayaa si weyn looga dhex dareemayay gudaha madaxtooyada Soomaaliya dadaalada xoogan ee labada madaxweyne ay ku doonayaan iney ku dhameeyaan khilaafka culus ee ka dhex jira labada masuul ee ugu sareysa dalka, kuwaas oo uu khilaafkooda ka dhashay arrinta Ikraan Tahliil ee xilka qaadista ku sababsaday taliyahii NISA Fahad Yaasiin.

Ilo xog ogaal ah ayaa Shabakadda HOL u sheegay in Xalay kulan saacado badan qaatay uu dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo labada madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cabdicasiis Laftagareen, kaasoo looga hadlaayay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka culus ee xiligaan u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa sidoo kale la sheegay in kulanka Rooble kadib ay kulan kale la qaateen madaxweyne Farmaajo oo ay sidoo kale kala hadleen xal u helida khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Raysal wasaarahiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maanta qorshahoodu yahay in labada dhinac isa soo horfariisin doonaan, inkastoo warar hoose ay sheegayan in wali labada dhinacba ay ku kala adkeysanayaan mowqifkooda ku aadan waxyaabahii keenay in khilaafkooda cirka isku shareero, taasoo mugdi sii galin karta in natiijo wanaagsan kasoo baxo kulanka lagu wado in lagu heshiisiiyo labada dhinac.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]