3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Golaha midowga Musharraxiinta oo shaaciyay in ay raysal wasaare Rooble ku garab istaagan yihiin Kiiska Ikraan Tahliil
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Kulan degdeg oo ay maanta isugu yimaadeen golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha, waxay ku dhawaaqeen in ay si buuxda u garab istaagan yihiin raysal wasaare Rooble.

Golaha midowga musharraxiinta waxay sheegeen in ay raysal wasaaraha ku garab istaagan yihiin in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan oo dhameystiran islamarkaana eedeeysanayaasha si degdeg ah sharciga loo horkeeno.

Musharraxiinta waxay sidoo kale sheegeen in ay la socdaan dhaqdhaqaaq uu wado guddoomiye Mursal oo ay sheegeen inuu doonayo inuu dib usoo nooleeyo barlamaanka golaha shacabka.

Waxay ku eedeeyeen guddoomiye Mursal inuu wado isku dayo lagu carqaladaynayo daddaalka uu raysal wasaaruhu ku bixinayo caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Halkaan hoose ka eeg bayaanka musharraxiinta :-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/10/2021 12:06 PM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee maxkamadda Sare ee dalka, Abukaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in raysal wasaare rooble uu sharciyan ku saxan yahay magacaabida iyo dhaarinta xubinta kamid ah golihiisa wasiiradda.

9/10/2021 10:34 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Ibraahin Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani in anay si buuxda u aaminsanayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

9/10/2021 9:42 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in uu markale u tar tamayo jagada guddoomiyaha xisbiga, doorashada qabsoomi doonta shirwaynaha xisbiga ee la qaban doono 30-31 October.

9/10/2021 6:53 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Heshiis Horudhac ah ayaa laga gaaray dagaal muddooyinkii dambe Maleyshiyo beeleed ku dhex marayay deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

9/10/2021 4:27 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay qaar katirsan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee lasoo qabtay markii ay xabsiga ka fakadeen.

9/10/2021 2:19 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Gaalacyo ku sugan, ayaa ku guddoonsiiyay abaalmarino Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

9/10/2021 1:41 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa Muqdisho u tagay sidii ay waan waan uga dhex bilaabi lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo khilaafkoodu meel adag uu gaaray.