4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Ceydiid Ilka Xanaf: “Mursal meel uu sharciyad ku haysto ama uu wasiir xasaanad ku siiyo maba jirto”
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee maxkamadda Sare ee dalka, Abukaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in raysal wasaare rooble uu sharciyan ku saxan yahay magacaabida iyo dhaarinta xubinta kamid ah golihiisa wasiiradda.

Guddoomihii hore ee maxkamadda sare ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax baahi ah oo xilligan waajib ka dhigaya in wasiirka la magacaabay uu barlamaanka oo haatan aan fadhiyin xasaanad weydiisto.

“Qofka markii la magacaabo waala dhaarinayaa wuu shaqeynayaa, dabadeedna markii barlamaanku uu fadhiisto, ayuu weydiisanayaa xasaanada,”waxaa sidaasi yiri Ceydiid Ilka Xanaf.

Ceydiid Ilka Xanaf wuxuu tilmaamay guddoomiye Mursal iyo barlamaankiisaba in aanay haysan wax sharciyad ah oo ay xukuumada raysal wasaare rooble kugula xisaabtamaan isbedelka uu ku sameynayo xukuumadiisa.

“Mursal meel uu sharciyad ku haysto ama uu wasiir xasaanad ku siiyo maba jirto,” ayuu sii raaciyay Ceydiid Ilka Xanaf.

Raysal wasaare Rooble ayaa maalmo ka hor magacaabay wasiirka amniga, waxaana maalin kadib dhaariyay wasiirka caddaalada Soomaaliya, waxaana arrintaas sharci darro ku tilmaamay gudoomiye Maxamed Mursal.

Mursal ayaa ku doodday in shaqada dhaarinta iyo xasaanad siinta wasiirka cusub ay tahay shaqo uu lahaa barlamaankiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online