4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Boqortooyada Sacuudiga oo safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad usoo magacawday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud ayaa hab fogaan arag ah u dhaariyay safiirka cusub ee Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Xafladda dhaarinta oo kooban ayaa waxaa ka qeybgalay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda.

Dhowaan ayay ahayd markii Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga Saalim Macow Xaaji, uu waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis.

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahadceliyey dowladda Sacuudiga soo dhoweynta ay u sameysay, wuxuuna sheegay inay wax weyn ka tari doonto horumarka iyo wada shaqeynta labada dowladood.

Ergayga cusub ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro caasimadda Muqdisho, waxaana la filayaa in Sacuudi si rasmi ah sannadkan u furto safaaraddii uu ku lahaa Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online