3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Xildhibaan Maxamed Abiib "Qadiyad xunbaa ka dhacday Laascaanood"
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, tarxiilka ay xukuumada Somaliland gobolka Sool kaga saaraysa dadka aan u dhalan Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in anay ahayn dhaqanka dowladnimada in dad 30 sanno meel daganaa oo ganacsi iyo hantiba ku yeeshay la barakiciyo.

"Qadiyad xun baa ka dhacday meesha Laascaanood la yidhaahdo, dad walaalo ah, oo muslimiin ah oo soo magangalay halkan Somaliland, in la kala qaado hooyo iyo ilmaheedii, qoys iyo hantidii, oo 30 sannadood haystay, meel ay dowladnimada kasoo gasho anuu ma garanayo, dowladnimadu dadka ma qixiso, dad taajiriin ahaa caydh kama dhigto" ayuu yidhi Xildhibaan Maxammed Abiib.

Xildhibaanka ayaa gobolada kale ee Somaliland ugu baaqay in anay yeelin in la saaro dadka aan Somaliland u dhalan, ee ku nool deegaanadooda, waxaanu sheegay in dadkaasi yihiin masaakiin ay guryahooda dhibaato kasoo saartay.

"Waxaan leeyahay gobolada kale, waar yaan la idiin bahalo galin dadkaa masaakiinta ah, waxan arkayay Ceerigaabo oo fariintaa qaadatay, oo dadkii saaraysa, dadkaasi waa masaakiin guryahoodii dhibaato ayaa kasoo saartay" ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Abiib.

Xukuumada Somaliland ayaa 2 bisha gobolka Sool ka bilowday in ay ka masaafuriso dadka aan Somaliland u dhalan ee halkaa dagaana, sidookale, gobolka Sanaag ayaa loogu baaqay in ay kaga baxaan mudo 15 cisho ah.

Sababta tarxiilkooda ayaa lagu sheegay in ay ku lug leedahay sugida amniga goboladaa, oo aan fiicnayn sannadihii lasoo dhaafay.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/9/2021 9:17 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo kahor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin.

10/9/2021 8:58 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Maamulka koonfur galbeed ayaa maanta Gaalkacyo ka qaaday 78 qof oo ka kooban 21 qoys, kuwaas oo kamid ahaa dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood.

10/9/2021 7:50 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

10/9/2021 6:39 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad u magacawday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

10/9/2021 6:09 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

10/9/2021 4:27 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

10/9/2021 2:16 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshe ay diyaarado ugu soo qaadayaan dadkii dhawaan Somaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.