4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku qaabilay taliyaha howlgalka Maraykanka ee AFRICOM


Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

Kulanka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada, ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib markii Maraykanku duqayn ka geystay gobolka Gedo, isagoo ku bartilmaameesaday saldhig Shabaab ku lahaayeen deegaanno ku dhow Garbahaarey.

Howlgalka Africom ayaa Jubbaland ka taageera tababarka ciiddanka NISA ee Jubbaland iyo dagaalka dhinaca cirka ah ee qeybta ka ah howlgallada Alshabaab looga xorraynayo Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland waxay ka mid tahay meelaha ay saldhigyada ku leeyihiin ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah AFRICOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online