4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Wasiirka maaliyadda Puntland: Qofkii canshuurta diida wuxuu noola mid yahay qof Shabaab katirsan
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay, in cid kaste oo ka hor timaada ama diida canshuurta ay ula yimid yihiin Alshabaab, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xarumaha waxbarashada.

“Ninka canshuurta diida iyo ninka Shabaabka ah ee masaajidka wax ku dilaya, waa isugu kaaya mid,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda oo digniin u diray macallimiinta wax ka dhiga xarumaha waxbarashada.

Wasiir Xasan Shire wuxuu sheegay in aanay suurtagal ahayn in askariga buurta difaaca kaga jira ee la dagaalamaya Alshabab, loo waayo wax mushaara oo loo siiyo, isagoo sheegay inuu xukun adag mutaysanayo qofkii diida in mushaarkiisa laga jaro canshuurta dowladda.

“Markii canshuurtii la waayo, ninka buurta saaaran wuxuu waayayaa mushaar, kabacdina yaa sababay? Waxaa sababay, waa ninka canshuurta diiday, muxuu marka Shabaab kaga duwan yahay ninkaas,” ayuu yiri Xasan Shire.

Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa dhinaca kale digniin adag u diray dad uu sheegay in ay isku dayayaan in ay dugsiyada xiraan, iyagoo kasoo horjeeda canshuurta laga qaadayo barayaashooda.

Punland, tan iyo markii xukunka la wareegay madaxweyne Deni, maamulka wuxuu xoogga saaray qaadista canshuurta, taasoo sahashay in mamaulku si joogto ah bil kaste u bixiyo mushahaarka shaqaalaha rayidka ah iyo ciiddamada.

Laakiin, weli waxaa jira dhaliilo loo jeedinayo maamulka oo ah in aan canshuurta wax looga qaban baahiyaha arrimaha bulshada, sida horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online