4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab Saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal aad u xoogan oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan uu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac walow ay sheegeen ineysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen oo ay dagaalka ku dileen laba kamid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kalana hub u badan qoryaha AK47 ay ka furteen.

Weerarkaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dolwadda ee degaanka Janaale ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Ciidamada dowladda oo howlgalo lagu baacsanayo Shabaab ay ka sameeyeen deegaanada ku dhaw dhaw degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]