4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo guddi gaar ah u magacaabay dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa u magacaabay guddi ku meel-gaar ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur –galbeed, kuwaas oo si sharci -darro ah iyo xoog ah ee  Somaliland ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

Guddigan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan raadinta hantida dadka lagasoo barakiciyay magaalada Laascaanood, arrintaas oo Koonfur galbeed ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo gef ku ah diinta iyo dhaqanka.

Guddigan waxay kaloo sameyndoonaan gurmadka iyo dib u dajinta dadka lasoo barakaciyay, kuwaas oo haatan qeybtooda ugu badan ay ku sugan yihiin deegaannada Puntland oo lagusoo dhoweeyay, waxaana madaxweynaha Koonfur galbeed uu guddigan faray in ay si degdeg ah ku bilaabaan howshooda.

Guddigu wuxuu ka kooban shan xubnood, waxaana guddoomiye u ah wasiirka arrimaha gudaha Koonfur galbeed.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online