8/14/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Odayaasha Laascaanood "Shaqo kuma lihin falka lagu masaafuriyay dad reer Koonfur Galbeed"


Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah odayaasha degmada Laascaanood, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aan lagala tashan masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed, isla markaana, anay ku qanacsanayn habka loo maamulay tarxiilka bulshadaa.

Waxay sheegeen in amarka lagu tarxiilay bulshada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu kasoo fulay wafti wasiiro iyo saraakiil ciidan ah, oo xukuumada Somaliland usoo dirtay xal ka gaadhista amaan darada Laascaanood.

"Waftigaa Hargaysa ka socda oo xukuumadu soo dirtay markii ay yimaadeen kadib waxa soo baxday in dadkii la raray, dad kaa la rarayo waa dad deegaanka Laascaanood in badan daganaa caruurihii ku dhashay ayaa xaasas ku yeeshay, hadii xataa loo arkay in la raro waxan leenahay sida loo raray si sax ah maaha" mid kamida odayaasha ayaa sida yidhi.

Odayaasha ayaa soo jeediyay in madaama oo dadka la raafay ay hanti ku lahaayeen magaalada, hantidaasi oo anay qaadan, in hantidoodii loo ilaaliyo isla markaana, madaxda iyo wax garadka Laascaanood ka wada shaqeeyaan sidii dadkaa iyo hantidooda laysku gaadhsiin lahaa. Waxay  sheegeen in ay ahayd arrin si deg deg ah loo qabtay.

"Waxaanu u sheegaynaa bulshada in arrinkaa maamulku aanu nagala tashan, oo ay ahayd arrin la dadajiyay oo si deg deg ah loo qabtay.. dadkaa si qax ah ayaa loo raray qof qudha oo shay qaatay malahayn, dadkaa hantidoodi iyo alaabtoodii waxaanu ka codsanaynaa dadka gobolka Sool ku dhaqan ee masuuliyiinta ah in dadka hantidoodi gacanta loogu dhigo" sida waxa yidhi mid kamid ah odayaasha.

Xukuumada Somaliland ayaa qaaday howlgal ay ku qab qabanayso isla markaana, gobolka Sool kaga tarxiilayso dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ilaa iyo hada inta la hubo waxa la tarxiilay ku dhawaad 700 oo qof.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/4/2021 3:46 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Adeegyada baraha bulshada ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa muddo saacado ah hawada ka maqan, kadib markii ay cilado soo wajaheen.

10/4/2021 12:39 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa u magacaabay guddi ku meel-gaar ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur –galbeed, kuwaas oo si sharci -darro ah iyo xoog ah ee Somaliland ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

10/4/2021 12:17 PM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu soo gabagabeeyay doorashada laba kursi oo ka harsaneyd sideeda kursi ee kuraasta Aqalka sare Senatarada ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

10/4/2021 9:48 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in howgalka lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, uu yahay howlgal lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

10/4/2021 8:11 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka horyimid habka ay xukuumada Somaliland u tarxiishay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee ku dhaqnaa magaalada Laascaanood.

10/4/2021 7:10 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Doha ee dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal wasaaaraha Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

10/4/2021 5:55 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

10/4/2021 5:51 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladda federalka Soomaaliya, Xaniifa Xaabsade, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay olole loogu magac daray 'GACALO GABADHEYDAAY' oo ah wacyi galin loogu talo galay joojinta gudniinka gabdhaha.

10/4/2021 3:00 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Puntland ayaa dib u dajin kumeel gaar ah u sameysay boqolaal qoys oo ay Soomaliland kasoo tarxiishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

10/4/2021 2:03 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Senatarada ku matalaya Hirshabeelle oo labadii kursi ee ugu dambeysay sideeda kursi ee Hirshabeelle doorashadooda maanta dhici doonto magaalada Jowhar.

10/4/2021 1:32 AM EST
Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.