4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Golaha Deegaanka ee Laascaanood oo ka hadlay masaafurinta dadka reer koonfur ka ah
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, oo warbaahinta kula hadlay xafiiska golaha ee degmada, ayaa soo dhaweeyay howgalka ay xukuumada Somaliland magaalada Laascaanood kaga masaafurinayso, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa sheegay inay ka gole deegaan ahaan soo dhawaynayaan howl galka ay ciidamada booliiska Somaliland ku tarxiilayaan dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalada Laascaanood.

"Howlgalkii uu sameeyay waftigii u yimid xasilinta magaalada Laascaanood baanu ku ta kiidinaynaa, hadaanu nahay Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood waanu taageersamahay, waxkasta oo aanu u aragno in amniga lagu sugayana waanu soo dhawaynaynaa, anaga oo ku hadlayna afkii shacabka iyo afkii golaha deegaankaba" ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin.

Mayar ku xigeenka Laascaanood Axmed Koote, ayaa sheegay in lagu qasbanyahay in la qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijin karo amniga magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in ay samayn doonaan guddi isgaadhsiisa dadka la tarxiilay iyo hantidooda.

"Talaabo kasta oo amniga Laascaanood lagu xaqiijinayo waa lagu qasbanyahay, anaguna ka gole deegaan ahaan waxaanu diyaarin doonaa guddi, sidi dadkaa iyo hantidoodii laysku gaadhsiin lahaa, taas ayaana ugu muhiimsan" ayuu yidhi maayar ku xigeen Axmed  Koote.

Dhamaan xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, ayaa si lamid ah maayarka iyo maayar ku xigeenka soo dhaweeyay howgalka tarxiilka ah ee booliisku uu ka wado magaalada Laascaanood.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]