4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Xukuumada Somaliland oo ka hadashy waxa sababay masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Laascaanood
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - lataliyaha gaar ka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxammed Waran-Cadde, ayaa sheegay in amni-darada iyo dilalka kusoo noq noqday magaalada Laascaanood, ay sababtay in xukuumada Somaliland tarxiisho shacabka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqnaa Laascaanood.

Waran-cadde oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Universal, ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya gobolka Sool ay shabahaan kuwa ka dhaca Koonfurta Soomaaliya, sidaa darteedna ay xukuumada Somaliland go'aan satay in gobolka laga saaro dadka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya oo mudo ku dhaqnaa.

"Gobolkaasi mudo dheer wuxu ka bixi wayay dil iyo khal-khal, iyo waxyaabihii Soomaaliya ka socday wax u eg, arrintaasi dabadeedna waxay keentay tuhun faro badan, waayo dadka gobolka dagan, waa dad is dhalay, waa dad is yaqaana, waxyaabaha kaliya ee gobolada ka dhici jiray wuxu ahaa wax aano la yidhaahdo, lakin, imika waxa yimid wax u eg wixii Xamar ka dhici jiray oo kale" ayuu yidhi Waran-cadde.

Waran-cadde ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Sool anay caado u lahaan jirin , in ay madaxda laayaan, sida darteedna xukuumadu ay dadka reer Koonfur Galbeed  Soomaaliya ku tuhuntay in ay ka danbayn karaan amni dara Laascaanood.

"Waala is waydiiyay waayo dadka ehelka ah ee halkaa ku nooli, waa dad aano iyo waxa isku qabsada ee dad wax-garadka   iska laaya may ahayn, markaa tuhun kaasi wuxuu keenay, dee dadka reer Somaliland waa dad dhalasho leh, dad aan gobolka u dhalan ayaa jooga ayaa la yidhi, markaa, si aynu inagu isku hubsano bal in dadkaa gobol koodii lagu celiyo" ayuu yidhi Waran-cadde.

Raafka ay xukuumada Somaliland ku ururinayso isla markaan, gobolka Sool kaga saarayso dadka reer Koonfur Galbeed, ayaa galay maalintii labaad, iyadoo maalintii shalay gobolka laga saaray dad tiradooda lagu sheegay 700 oo qof.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]