4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya oo geeriyootay iyo madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee waxbarashada iyo tacliinta sare Soomaaliya, Khadra bashiir Cali  ayaa ku geeriyootay magaalada columbus ee dalka Maraykanka.

Marxuumada ayaa lasoo shaqeysay xukuumadii Raysal wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed sanadihii 2014 -2015, waxayna ahayd wasiirkii ugu horreeyay ee billaabay imtixaanka midaysan ee heer federalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali.

Madaxweynaha ayaa xusay doorkii Marxuumaddu ay ka soo qaadatay horumarinta Waxbarashada Dalka muddadii ay haysey Xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariistee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Marxuumaddu, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka ay baxday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online