4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Wafdiga Raysal wasaare Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe


Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Wafdiga Raysal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe kusoo dhaweeyay madaxda ugu sareysa maamulka Koofur Galbeed sida madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baraawe.

Ujeedka safarka wafdiga Raysal wasaare Rooble ee magaalada Baraawe ayaa la sheegay iney tahay u kuurgalida kormeerka xaalada amni ee degmada Baraawe oo ka mid ah goobaha ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha waxa uu horay u sheegay inuu tagayo dhamaan goobaha loo asteeyay inay ka dhaceyso doorashada Kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, waxuuna horay u tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ee gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose oo lagu dooran doono mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan Odayaasha Dhaqanka, Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si uu ugala hadlo xaalada amni ee magaalada Baraawe iyo waliba ka qeyb qaadashada sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]