3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Macalimiinta Dusgiyada Quraanka degmada Guriceel oo ku dhaawaqay iney xireen dugsiyada


Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Macalimiinta dhigta dugsi Quraanada ku yaala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa goob fagaare ah ka shaaciyay iney garab taagan yihiin oo ay taageerayaan ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay gacan ku heynta degmadaasi.

Macalimiinta ayaa sidoo kale sheegay inay xirnaan doonaan dugsiyada ay ku dhigayeen Quraanka Kariimka ilaa laga soo afjarayo dagaalka ay ku jiraan ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, waa sida ay hadalka u dhigeene.

"Hadii aanahay macalimiinta dugsiyada Quraanka degmada Guriceel waxaan cadeyneyna inaan garab u nahay ciidamada Ahlu Sunna oo aan dusgiyada furi doonin ilaa dagaalada ay ka joogsadaan" sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Macalimiinta degmada Guriceel.

Macalimiinta ayaa sheegay sababta ay u xireen dugsiyada Quraanka iney tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib usoo celinta nabadgalyadii deegaanka oo ay sheegeen iney meesha ka baxday markii Culimada Ahlu Sunna laga saaray deegaanada Galgaduud.

"Anaga duulaan kuma nihin dowlada duulaan kuma nihin dowlad goboleedka ee waxaan diyaar u nahay inaan iska dhicino cadawga Khawaarijta" ayuu yiri mid ka mid ah Macalimiinta Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maalintii Jimcaha si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaana wali taagan xiisad dagaal iyo cabsi farabadan oo ay dareemayaan shacabka degmadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/3/2021 4:46 PM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, oo warbaahinta kula hadlay xafiiska golaha ee degmada, ayaa soo dhaweeyay howgalka ay xukuumada Somaliland magaalada Laascaanood kaga masaafurinayso, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

10/3/2021 4:10 PM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta degaanka dib ugu soo laabtay ciidankii gaarka ahaa ee dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo horey degaanku ugu diray waqooyiga Itoobiya, si ay uga qayb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

10/3/2021 12:39 PM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, oo maalintii labaad wada howlgal lagu masaafurinayo, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa Garoonka Kubada-cagta ee Laascaanood ku ururiyay dad gaadhaya 500 oo qof, sida VOA Somali ku warantay.

10/3/2021 11:57 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - lataliyaha gaar ka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxammed Waran-Cadde, ayaa sheegay in amni-darada iyo dilalka kusoo noq noqday magaalada Laascaanood, ay sababtay in xukuumada Somaliland tarxiisho shacabka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqnaa Laascaanood.

10/3/2021 11:50 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee waxbarashada iyo tacliinta sare Soomaaliya, Khadra bashiir Cali ayaa ku geeriyootay magaalada columbus ee dalka Maraykanka.

10/3/2021 11:20 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay talaabadii Soomaaliland ay uga soo masaafuriyeen degmada Laascaanood boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo ku noola magaaladaasi, kuwaas oo kasoo jeeday koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.

10/3/2021 7:47 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

10/3/2021 7:22 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Prof. Mubaarik Ibraahin Aar, oo ka mid ah sharci yaqaanada ugu caansan Somaliland, ayaa sharci daro ku tilmaamay howlgalka ay xukuumada Somaliland gobolka Sool kaga masaafurinayso, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

10/3/2021 5:28 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Diyaarad militari oo Masaari ah oo ay ku raran yihiin gargaar caafimaad iyo daawooyin ah ayaa usoo ambabaxday Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan taageerada shacabka Soomaaliyeed.

10/3/2021 5:19 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu Ambabaxay Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

10/3/2021 3:35 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa abaal marin guddoonsiisay qaar ka mid ah askartii Ameerikaanka ee ka qeyb qaatay dagaalkii la magac baxay “Black Hawk Down” ee Muqdisho ku dhexmaray ciidamadii Jeneral Ceydiid iyo ciiddamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa, sannadkii 1993.

10/3/2021 2:34 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmamay tarxiil Soomaliland kula kacday boqolaal katirsan shacabka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ee ku noolaa magaalada Laascaanood.

10/3/2021 12:39 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Iyadoo Shalay Booliiska magaalada Laascaanood ee Soomaaliland magagaaladaasi kasoo masaafuriyay dad gaaraya 700 oo ruux oo isugu jira haween, odayaal, dhalinyaro, caruur oo ay Soomaaliland ku eedeysay falalka amaan darro iyo dilalka qorsheysan ee maalmahii lasoo dhaafay ka dhacaayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadashay dowladda Soomaaliya.

10/3/2021 12:37 AM EST
Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Sanataradii dhawaan Xamar lagu doortay ee kasoo jeeday Somaliland, iyo xubnaha kale ee dowlada Soomaaliya xilalka ka haya ee Somaliland kasoo jeeda, ayaa xaflad soo dhawayn ah oo sanatarada cusub loo sameeyay ka sheegay in ay ka shaqayn doonaan danta Somaliland.